Madaxweyne ku xigeenka dalka Prof. Kithure Kindiki ayaa sheegay in ilaa iyo hadda ugu yaraan 25 milyan oo qof ay isku diiwaangeliyeen caymiska caafimaadka bulshada ee SHA.
Waxaa uu xusay in qorshaha dowladda dhexe uu yahay in sanad kadib tiradan ay noqoto 40 milyan ilaa 45 milyan oo kenyaan ah.
Waxaa uu intaasi ku daray in dowladda ay dardargelinaysa fulinta mashaariicda horumarineed ee guud ahaan waddanka.
Kindiki ayaa tilmaamay in ismaamullada gobolka Xeebta ay ka socdaan mashaariicda waddooyinka, korontada iyo kuwo kale.
Arrimahan ayuu sheegay xilli uu hooygiisa rasmiga ee xaafadda Karen ee magaalada Nairobi uu kula kulmay ilaa 30 xubnood oo ka tirsan baarlamaanka oo laga soo doortay deegaannada ismaamullada Mombasa, Kilifi, Kwale, Taita Taveta, Lamu iyo Tana River si dabagal loogu sameeyo barnaamijyada ay dowladdu ka fulinaysa gobolkaasi.
Dhanka kale , wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Aaden Barre Ducaale ayaa dhammaan isbitaallada qaran ku amray in ay baaritaanno dabagal ah ku sameeyaan nidaamyada falcelinta degdegga ah, habraacyada amniga iyo dabagalka bukaannada.
Tani ayaa timid ka dib dhacdooyin lagu dilay labo bukaan oo ku sugnaa isbitaalka qaran ee KNH ee magaalada Nairobi.
Ducaale ayaa sidoo kale amar ku bixiyay in sare loo qaado kaabayaasha isbitaallada oo xarumaha lagu rakibo kameerada duubta muuqaallada qarsoon ee CCTV-da.
Wasiir Ducaale ayaa amray in la baaro geerida gabadh ku dhimatay isbitaalka qaran ee Kenyatta ee magaalada Nairobi.
Amarka wasiirka ayaa yimid ka dib markii hooyada dhashay gabadhan oo lagu magacaabo Susan Wanjira ay sheegtay in dhakhaatiirta ay habacsanaan muujiyeen.