Kenya iyo hay’adda FAO oo iskaashi yeelanaya

0
220

Dowladda Kenya iyo hay’adda cunnada iyo beeraha adduunka ee (FAO) ayaa ku heshiiyay in ay si wadajir ah u dhisaan nidaamyada cunnada ee ku saleysan hal-abuurka iyo u adkeysiga isbeddelka cimillada.
Madaxweynaha dalka Dr. William Ruto ayaa qoraal ku sheegay in ay soo dhaweynayaan taageerada hay’adda FAO ee barnaamijka casriga ee maamulka dhulalka iyo nidaamka iskudhafka ah ee ay Kenya ku maareyso macluumaadka beeraha.
Waxaa uu tilmaamay muhiimadda ay barnaamijyadan u leeyihiin casriyeynta nidaamyada cunnada ee dalka.
Hoggaamiyaha qaranka ayaa sheegay in Kenya ay rajeynaysa inuu sii ballaarto iskaashiga kala dhexeeya hay’adda cunnada iyo beeraha adduunka ee FAO .
Arrintan ayuu shaaca ka qaaday ka dib markii uu magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya uu kula kulmay agaasimaha guud ee hay’adda FAO Qu Dongyu .
Sidoo kale , waxaa uu la kulmay madaxa sanduuqa caalamiga ee beeraha ee (IFAD) Alvaro Lario .