Senatarka ismaamulka Wajeer Cabbaas Sheekh Maxamad ayaa dalbaday in dowladda hoose ee Wajeer ay faahfaahin ka bixiso qaabka loo isticmaalay miisaaniyadda loogu talagalay arrimaha cimillada iyo mashaariicda horumarineed.
Waxaa uu si gaar ah u doonaya in la shaaciyo qaabkii loo adeegsaday dhaqaalaha tamarta, deegaanka iyo kheyraadka dabiiciga ee sanad maaliyadeedkii 2023/2024 iyo 2024/2025.
Guddiga arrimaha maaliyadda iyo miisaaniyadda ee aqalka sare ee dalka ayuu ka dalbaday inuu arrintan baaritaan dabagal ah ku sameeyo oo uu soo gudbiyo warbixin dhameystiran.
Home Wararka Kenya Senatarka Wajeer oo dalbaday in la iskula xisaabtamo lacagaha cimillada iyo horumarka




