Guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee (EACC) ayaa dib ula wareegay dhul uu lahaa maamulka maareeya garoomada diyaaradaha ee dalka ee KAA.
Dhulkan oo ku yaalla Mombasa ayaa qiimihiisa lagu sheegay 104 milyan oo shilin.
EACC ayaa laga soo xigtay in dhulkan oo ah 1.73 eekar inuu dhacay Agil Mahmud oo ahaa qorsheeyaha dhulalka ee gobolka Xeebta.
Guddiga ayaa intaasi ku daray inuu weli ku dadaalaya sidii ay maxkamadda ugu oggolaan lahayd inuu dib ula wareego dhulal kale oo dhan 12 oo si sharci darro ah lagu qaatay.




