Shakhsiga u ololeeya xuquuqul aadanaha oo lagu magacaabo Boniface Mwangi ayaa ka maanta la soo taagay maxkmada Kahawa ee magaalada Nairobi.
Boniface Mwangi waxaa lagu soo eedeeyay inuu haystay hub sharci darro ah oo uusan u heysan ogolaansho.
Waxaa ka mid ah hubka laga soo helay gurigiisa rasaas ,suntan dadka ka ilmaysiisa iyo agab kale.
Mr mwangi oo maanta ka soo hormuuqday Maxkmada ayaa iska fogeeyay eedeymaha lagu soo eedeeyay oo ah inuu haystay hub argagixiso.
Ciidamada Dambi baarista ee dalka ayaa hawlgalo qorsheysan sabtidii ka fuliyay guriga Boniface oo ku yaala xaafada Lukenya ee dowlad deegaanka Machakos .
Waxaa ugu dambeyn lagu sii daayay damiin lacageed oo dhan 1 milyan oo shillinka dalka ah,isagoona kiiskiisa la soo hadal qaadi doono 19-ka bisha Agosto.




