Cabsi ayaa ka dhalatay Tuulada Binzaro ee ismaamulka Kilifi ,kadib markii ay booliisku hal meyd ah ka heleen oo ayna soo badbaadiyeen 4 qof oo la sheegay in ay si xun u liidatay caafimaadkooda.
Dadkaas ayaa laga soo badbaadiyay meel wax yar KM mitir u jirta deegaanka Shakahola oo horay halkaas looga soo saaray xabaal wadareedyo ka dib markii ay dadka deegaanka raceen caqiido uu u soo jeediyay baadiri kaasi oo hadda ku jira gacanta Booliska.
Dhacdadan ka soo cusboonaatay Shakahola ee dowlad deegaanka Kilifi waxaa loo xiray nin iyo xaaskiisa ,iyadoo Booliska ay ku bilaabeen baaritaan.




