Dugsi sare oo ku yaalla Bomet oo la xiray

0
254

Waxaa albaabada la isugu dhuftay dugsiga sare ee gabdhaha ee Kaplong Girls High School oo ku yaalla ismaamulka Bomet .
Tani ayaa timid ka dib markii ay ardayda sameeyeen dibadbax ay uga cabanayaan tacaddi galmo oo ay ku eedeynayaan mid ka mid ah macallimiinta.
Gabdhaha ayaa hoosta ka xarriiqay in macallinka uu marar kala duwan ku kacay habdhaqankan oo uu xita uureeyay mid ka mid ah ardayda.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dibadbaxa lagu burburiyay qayb ka mid ah agabka dugsiga .
Maamulaha dugsigaasi Clara Mitei ayaa sheegtay in ay dantu ku qasabtay in xarunta la xiro ka dib markii ardayda la xakameyn waayay.
Maamullada dambi baarista ee ismaamulka Bomet ayaa hadda ku howlan xaqiijinta tabashooyinka ardayda.
Richard Ngetich oo ah guddoomiyaha guddiga maamulo dugsigaasi ayaa sheegay in cabashada ardayda ay hadda tahay eedeyn balse laga sal gaari doono marka la soo gabagabeeyo baaritaannada.
Xoghayaha wasaaradda tacliinta ee dalka Julius Bitok ayaa dhankiisa sheegay in dhawaan ay jireen dhacdooyin arday lagu xadgudbay balse wixii hadda ka dambeeya aan loo dulqaadan karin in macallin uu tacaddi galmo kula kaco arday.