Wetang’ula oo siyaasiyiinta uga digay faragelinta IEBC

0
204

Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Moses Wetang’ula ayaa siyaasiyiinta ugu baaqay in ay ka waantoobaan jeedinta hadallada carqaladeyn karo howlaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha waddanka ee (IEBC) ee dhawaan dib loo dhisay.
Xilli uu ku sugnaa ismaamulka Bungoma, ayuu Wetang’ula sheegay in madaxda laga doonaya in ay qadariyaan madax bannaanida IEBC oo ay joojiyaan faragelinta waajibaadka guddiga.
Guddoomiyaha baarlamaanka waxaa uu sheegay in IEBC ay dastuur ahaan madax bannaan tahay sidaasi awgeedna laga doonaya in ay ku shaqeyso qaab aan lahayn saameyn siyaasadeed.
Waxaa uu dadweynaha Bungoma ku boorriyay in ay si wayn isugu diiwaangeliyaan doorashada guud ee sanadka 2027-da.