Dowladda oo bilaabtay gurmad toos ah oo loo fidinayo qoysaska ay abaaruhu ku dhufteen

0
464

Si loo badbaadiyo qoysaska ay abaaruhu ku dhufteen, dowladda ayaa waxaa ay gurmad deg deg ah ka samaysay deegaanada abaaruhu ka jiraan, kuwaas oo lagu bar tilmaameedsanayo qoysaska jilicsan.
Qoysaska la daalaa dhacaya dalag la’aanta iyo cunto yarida ayaa hadda heli doona taageero gargaar oo toos ah iyadoo mas’uuliyiinta ay u dhaqaaqayaan yareynta saameynta qalalan ee daba dheeraaday.
Wasiirka Wasaaradda Adeegga Dadweynaha Geoffrey Ruku ayaa sheegay in dadaallada gargaarka ay qayb ka yihiin istaraatiijiyad ballaaran oo mustaqbalka fog ah oo looga golleeyahay in lagu dhiso habab cunto oo adkeysi leh iyadoo isbeddelka cimiladu uu weli sii xumaanayo.
Waxaa uu ka hadlay degmada Naikarra ee Galbeedka Narok halkaas oo ay dowladda, iyada oo u sii marinaysa Waaxda Barnaamijyada Gaarka ah, ay gaarsiisay sahay gargaar degdeg ah qoysaska nugul.
Wasiirka ayaa waxaa uu sheegay in waaxda ay si dhow ula shaqaynayso hay’adaha kala duwan ee dowladda, kuwa gaarka loo leeyahay iyo hay’adaha bani’aadamnimada si loo horumariyo maaraynta musiibada iyo tallaabooyinka wax ka qabashada si wanaagsan oo isku xiran.
Mr. Ruku ayaa sidoo kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay dowladda xoojinta qaab dhismeedka wax ka qabashada musiibooyinka iyo kor u qaadida sugnaanta cuntada ee gobollada ay abaaruhu ku dhufteen.
Talaabadan ayaa ku soo beegantay iyadoo ay dowladda bilowday qorshe howleed oo istiraatiji ah oo hagi doona dadaalada wax ka qabashada abaaraha ilaa 2032-ka. Wajiga labaad ee qaabdhismeedka barnaamijka guud ee soo afjarida xaaladaha degdega ah ee abaaraha (EDE CPF II) ayaa ujeedadiisu tahay in la xoojiyo adkaysiga iyo soo afjarida xaaladaha degdega ah ee abaaraha dalka oo dhan.