Boniface Mwangi oo lagu wado in Isniinta la soo taago maxkamad

0
517

Boniface Mwangi oo ka mid ah dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha ayaa lagu wadaa in Isniinta berrito ah la soo taago maxkamad kadib markii lagu eedeyay in uu fududeeyay falal argagixisanimo intii lagu guda jiray mudaaharaadyadii 25-kii June ka dhacay dalka.
Sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay booliiska, Mwangi ayaa Sabtidii ay dambi baarayaasha ku xireen gurigiisa oo ku yaala deegaanka Lukenya ee ismaamulka Machakos isaga oo lala xiriirinayo fududaynta howlaha argagixisanimo ee mudaaharaadyadii 25-kii bishii hore.
Intii ay gacanta ku soo dhigeen ciidamada dambi baarista ayaa soo helay labo taleefan oo gacanta ah, Laptop iyo dhowr buug.
Mwangi ayaa waxaa uu hadda ku xiran yahay Saldhigga Booliiska ee Pangani, halkaas oo uu ka socdo diyaarintiisa si maxkamad loo soo taago Isniinta, isaga oo lagu eedaynayo dembiyo la xiriira fududaynta falalka argagixisanimada iyo haysashada rasaas sharci darro ah.