Dadka deegaanka oo loogu baaqay in ay qaataan warqadaha lahaanshaha dhulka ka dib markii la furay xafiisyada dhulka ee Malindi

0
419

Wasiirka Wasaaradda Dhulka Alice Wahome ayaa ugu baaqday dadka degan ismaamulka Kilifi inay qaataan in ka badan 33,000 oo waraaqo lahaanshaha dhulka ah oo aan la sheegan, iyadoo ka digtay in dukumeentiyadu ay aad ugu amaan badan yihiin gacmaha mulkiilayaasha marka loo eego xafiisyada dowladda.
Iyadoo ka hadashay magaalada Malindi inta lagu guda jiray furitaanka rasmiga ah ee Xafiisyada Dhulka ee Malindi, Wahome ayaa sheegtay in xaruntan cusub ay astaan weyn u tahay maamulka dhulka ee gobolka Xeebta, halkaas oo arrimaha dhulku ay muddo dheer caqabado ku ahaayeen bulshada deegaanka.
Xafiisyada cusub ee dhulka ayaa u adeegi doona deegaanadda Malindi iyo Magarini waxaana la filayaa inay si weyn u wanaajiyaan helitaanka adeegyada dhulka ee dadka deegaanka.
Wahome ayaa waxaa ay ku boorisay milkiilayaasha dhulalka in ay bixiyaan wixii kharashaad ah oo lagu leeyahay si ay u fududeeyaan soo saarida warqadaha lahaanshaha waxaa ayna carabka ku adkeeysay degdega ah ee soo gabagabeynta dhammaan hababka garsoorka ee sugaya.
Waxaa kale oo ay ka hadashay arrinta lahaanshaha dhulka ee ajaanibka, iyada oo caddaysay in dadka aan u dhalanin dalka ay xaq u leeyihiin oo kaliya 99 sano oo kiro ah, oo aan ahayn dhul xor ah.
Wahome ayaa intaa ku dartay in Wasaaradda ay ka shaqaynayso sidii loo xoojin lahaa howlaha labada Guddi ee Dhulka ee Kilifi si ay si wanaagsan ugu adeegaan shacabka.
Barasaabka ismaamulka Kilifi Gideon Mung’aro oo isna goobta ka hadlay ayaa soo dhaweeyay furitaanka xafiisyadan cusub, wuxuuna kula dardaarmay saraakiisha xafiiska dhulalka inay si hufan u taageeraan shacabka.