Eedeysanaha ugu weyn ee loo haysto dilka loo geystay laba bukaan oo ku sugnaa Isbitaalka Qaranka ee Kenyatta (KNH) wuxuu ahaa bukaan muddo dheer ku jiray xarunta isbitaalka.
Edward Maingi Ndegwa, oo la dhigay Ward 7B, 11-kii bishan July ee sanadkan 2025, ayaa waxaa la dilay maalin ka hor xili uu jiifay sariirtiisa.
Dilkan dhacay ayaa waxaa lagu tuhmaya nin lagu magacaabo Kennedy Kalombotole oo ku jira gacanta booliska kaas oo la sheegay in sanado badan uu cisbitaalka Kenyaatta ku jiray sababo la xariirta in uu hoy la’aan ahaa sido kalena aan la aqoonsan ehelkiisa.
Isagoo ka hadlayay dhacdadan, Dr. William Sigilai, oo ah ku simaha maamulaha isbitaalka, ayaa shaaca ka qaaday in Kalombotole uu mar horeba ku jiray baaritaanka dilkii hore ee Gilbert Kinyua, bukaan kale oo meydkiisa laga helay isbitaalka Kenyaatta bishii Febraayo ee sanadkan
Kennedy Kalombotole ayaa markii ugu horreysay la dhigey KNH qeybta xaaladaha deg dega ah ee ICU bishii Noofambar ee sanadkii 2022-kii ka dibna waxaa loo gudbiyey qeybta guud ee la seexiyo bukaanada ee loo yaqaano general wards.
Waxa la sheegay inuu iska joogay isbitaalka ka dib markii dhakhaatiirta iyo maamulka isbitaalka ay ogaadeen inuu yahay guri la’aan oo aanu lahayn qaraabo la yaqaan.
Si kastaba ahaate waxaa la filaya in isniinta nagu soo aadan maxkmada la soo taago.




