Faransiiska, Ingiriiska iyo Jarmalka oo dib u soo rogi doono cunaqabataynta Iiraan bisha August haddii aan horumar la gaarin

0
480

Faransiiska, Boqortooyada Ingiriiska iyo Jarmalka ayaa dib u soo celin doona cunaqabateynta adag ee saarneed Iiraan dhamaadka bisha Agoosto ee sanadkan, haddii aan horumar laga gaarin heshiiska nukliyeerka sida ay diblomaasiyiin iyo mas’uuliyiin reer galbeed ah sheegeen.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Faransiiska Jean Noel Barrot ayaa u sheegay warbaahinta in ciqaabaha dhaqaale ee Iiraan ee lagu qaaday heshiiskii 2015-kii ee loogu talagalay oggolaanshaha xayiraadaha iyo la socodka barnaamijkeeda Nukliyeerka dib loo soo celin doono hadii lagaari waayo heshiis ila dhammaadka bisha soo socoto ee Agoosto.
Xilliga kama dambaysta ah ayaa lagu dhawaaqay iyadoo cadaadis lagu saarayo dublamaasiyiinta si ay xal cusub u helaan hamiga Nukliyeerka ee Xukuumadda Tehran.
Marka loo eego waxa loogu yeero qodob dib-u-celinta ee heshiiskii 2015-kii, cunaqabataynta Qaramada Midoobay ayaa awood u leh in dib loogu soo celiyo Iiraan haddii Xukuumadda Tehran ay u hoggaansami weydo shuruudaha.
Safiirada Ingiriiska, Faransiiska iyo Jarmalka u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa kulmay Talaadadii si ay uga wadahadlaan dib u soo celinta cunaqabataynta, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Associated Press.