Mudaharaad ka dhacay Tel Aviv oo loo sameeyay caruurta lagu dilay Qaza

0
327

Qaar ka mid ah dadka deggan magaalada Tel Aviv ee Israa’iil ayaa isugu soo baxay waddooyinka si ay u muujiyaan feejignaan aamusnaan ah oo loogu talagalay carruurta lagu dilay duqeymaha Israa’iil ee Qaza, waxayna ku baaqeen xabbad joojin dhammaystiran si loo soo afjaro dagaalka.
Mudaaharaadayaasha ayaa sitay shumacyo iyo sawiro muujinaya boqollaal caruur ah oo lagu dilay Qaza kuwaas oo isku dayayay in ay wacyi galiyaan Israa’iiliyiinta ku dhaqan magaalada Tel Aviv.