Maraykanka oo cunaqabateyn saaray mas’uul dhalleeceysay Israa’iil

0
590

Maamulka madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa cunaqabateyn ku soo rogay Francesca Albanese oo ka mid ah khuburrada qaramada midoobay.
Tani ayaa timid ka dib markii ay diiwaangelisay oo ay dhalleeceysay xadgudubyada Israa’iil ee ka dhanka ah Falastiiniyiinta ku nool Qaza.
Xoghayaha waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka Marco Rubio ayaa shaaca ka qaaday xayiraadaha la saaray haweeneydan.
Waxaa uu ku eedeyay in ay Israa’iil iyo Maraykanka ku qaadday dagaal dhaqaale iyo mid siyaasadeed labaduba.
Francesca Albanese, ayaa qaramada midoobay ku matasha Daanta Galbeed ee la haysto ee dalka Falastiin.
Waxay in muddo ah beesha caalamka ka dalbanaysay in la qaado tallaabooyin lagu soo afjaraya xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqul aadanaha ee ay Israa’iil u gaysanaysa Falastiiniyiinta.
Israa’iil iyo taageerayaasheeda ayaa sanado ku adkeysanayay in haweeneydan laga xayuubiyo xilka ay ka haysa qaramada midoobay.
Hasa ahaate , waxay ku gacan seyrtay xannibaadaha Maraykanka iyadoo sheegtay in ay diiradda saaraysa sii wadidda shaqadeeda.
Shalay ayay ahayd markii ay dowladaha qaaradda Yurub ku dhaliishay in ay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu u oggolaadeen inuu hawadooda sare ku safro iyadoo ay maxkamadda Caalamiga ee dembiyada dagaalka ee ICC-da u jartay warqad lagu soo xiraya.