Xisbiga talada wadanka haya ee Jubilee ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar la faafiyay oo sheegaya inuu xilkiisi iska casilay David Murathe oo ahaa guddoomiye ku xigeenka xisbigan.
Agaasimaha isgaarsiinta ee Jubilee Albert Memusi ayaa sheegay in Murathe uu weli ka mid yahay mas’uuliyiinta.
Waxaa uu xusay in wararka lagu faafiyay baraha bulshada aynan sax ahayn oo uu Murathe gudanaya waajibaadkiisa siyaasadeed.
Mr. Albert ayaa dadweynaha ugu baaqay in ay iska indha tiraan warbixinnada la isla dhex maraya ee aan xaqiiqda ku saleysnayn.
Sidoo kale xisbiga wadanka hoggaamiyo ayaa sheegay in hadii isbeddelo ay jiraan loo wajaho qaab waafaqsan xeerarka xisbiga u degsan.