Netanyahu oo gaaray Mareykanka

0
361

Warbaahinta Israel ayaa ku waramaysa in Netanyahu uu gaaray Mareykanka ka hor kulanka uu la qaadan doono Trump.
Wargeyska The Times of Israel ayaa sheegay in uu kula kulmay Safiirka Israel u fadhiya Maraykanka iyo Qunsulka Guud ee Israel u jooga New York ee Joint Base Andrews.
Netanyahu ayaa lagu wadaa inuu maanta la kulmo xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio iyo ergeyga gaarka ah Steve Witkoff.