Xiisad ka taagan ismaamulka Nakuru

0
235

Xiisad ayaa ka taagan dowlad deegaanka Nakuru iyadoo ay joogaan booliis aad u badan, goobihii ganacsiga waa la xiray, ardaydii guryahooda ayaana loo diray .
Dadka deegaanka ayaa ka walaacsan in ay dhacaan rabshado dhiig ku daataa xili qeybo ka mid ah dalka laga cabsi qabo ibadbaxyada malainta Saba Saba.
Afhayeenka booliiska dalka Nyaga ayaa sheegay in laga hortagi doono falalka sharci darrada ah , si loo ilaaliyo nidaamka, sido kalena la ilaaliyo nafta iyo hantida Kenyaanka.
Booliska ka hortagga rabshadaha ayaa jidgooyo culus soo dhigay waddooyinka waaweyn ee soo gala Xarunta Ganacsiga ee Nairobi subaxnimadii Isniinta, iyagoo sameeynaya baaritaanno xooggan ka hor bannaanbaxa Saba Saba ee la qorsheeyay.
Dhinaca kale Waxaa saaka xiran dhamaan wadooyiinka laga soo galo xaafada islii ee deegaanka Kamkunji ismaamulka Nairobi,iyadoo laga cabsi qabo in maanta ay dalka ka dhacaan dibadbaxyo xoogan.
Ciidamado aad u tiro badan ayaa la soo dhoobay jag boontiyada xaafada islii iyagoona ku xiray dhagaxaan.
Waxaa sido kale saaka inta badan aan la furin xarrumaha ganacsiga ee xaafada Islii, iyadoo dadka soomaalida ah ay qabaan dareen ku aadan in hantidooda la dhici karo.