In ka badan 78 qof oo lagu dilay Qaza 24-kii sac ee la soo daafay

0
240

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ku dhawaaqay inuu qorsheynayo inuu koox wada-xaajood ah u diro Qatar si ay wadahadal uga yeeshaan hindise xabbad-joojin ah oo Qaza ah, iyadoo ciidamada Israa’iil ay sii wadaan duqeymaha ay ku hayaan dhulka Falastiiniyiinta, oo ay ku dhinteen ugu yaraan 78 qof 24-kii saac ee la soo dhaafay.
Xafiiska Netanyahu ayaa sheegay in kooxda ay u safri doonaan caasimadda Qatar, Doha, Axadda maanta ah.
Ku dhawaaqista ayaa timid ka dib markii Xamaas ay sheegtay Jimcihii in ay bixisay jawaab “wanaagsan” oo ku saabsan soo jeedinta uu Maraykanku garwadeenka ka yahay ee ku lug leh xabbad-joojin 60 maalmood ah, dib u cusboonaysiinta rajada suurtagalka ah ee soo afjarida weerarka dhimashada leh ee Israa’iil ay ku hayso deegaanka Falastiiniyiinta.
Ugu yaraan 57,338 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay dagaalka Israa’iil ee Qaza, kaasoo billowday 7-dii bishii Tobnaad ee 2023-kii, halka ugu yaraan 135,957 kalena lagu dhaawacay. Xamaas ayaa ku adkaysatay in heshiis kasta oo xabbad joojin ah ay ku jirto dammaanad qaad ah in Israa’iil ay si joogto ah u joojinayso dagaalka ay ku hayso Qaza.