Wasiir Ruku oo sheegay in shaqaalaha dowladda aan la siin mushaar ku filan

0
406

Wasiirka wasaaradda adeegga dadweynaha ee dalka Geoffrey Ruku ayaa sheegay in badan oo ka mid ah shaqaalaha dowladda in aan la siin mushaar ku filan.
Waxaa uu tani u aaneeyay dakhliga kooban iyo qarashaadka ku baxa howlaha mushaaraadka oo sarreeya.
Wasiir Ruku ayaa arrintan ka sheegay wareysi gaar ah oo uu siinayay telefishinka maxalliga ee NTV.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in kastoo ay jiraan shaqaale dowladeed oo ah ilaa hal milyan oo qof kuwaasoo u adeega in ka badan 55 milyan, haddana in badan oo ka mid ah howlwadeennadan ay qaataan mushaar ka yar dhiggooda waaxyaha gaarka ah.
Wasiirka adeegga dadweynaha ee dalka ayaa tilmaamay in loo baahan yahay helidda dakhli dheeraad ah si loo kordhiyo mushaaraadka shaqaalaha dowladda.