Wiil bishii hore la waayay oo maxkamadda ka soo hormuuqday

0
374

Waxaa maanta maxkamadda Milimani ee magaalada Nairobi ka soo hormuuqday mid ka mid ah shakhsiyaadka wax ku daabaco baraha intarneetka oo lagu magacaabo Ndiang’ui Kinyagia.
Waxaa dad ugu war dambeysay 22-kii bishii 6-aad ee June ee sanadkan .
Qareenkiisa oo lagu magacaabo Wahome Thuku ayaa maxkamadda u sheegay in Kinyagia uu si ku meel gaar ah u dhuumanayay isagoo naftiisa u baqaya ka dib markii uu ogaaday in ay raadinayaan saraakiisha waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da.
Garyaqaanka ayaa intaasi ku daray in wiilkan uu fiidkii Talaadada la soo xiriiray xubin ka mid ah qoyskiisa isagoo aan u sheegin halkii uu ku sugnaa waqti xaadirkaasi.
Ndiangui ayaa hoosta ka xarriiqay inuu diyaar u yahay inuu tago xarunta DCI-da si maxkamadda loogu gudbiyo haddii loo damaana qaado badqabkiisa.
Thuku ayaa xusay in ay kula taliyeen inuu maxkamadda soo xaadiro.
Ururka qareennada dalka ee LSK ayaa horay u sheegay in wiilkan ay gurigiisa ka wadeen saraakiil lagu tuhmay in ay yihiin kuwa ammaanka sida laga soo xigtay dariska.
Hasa ahaate, agaasimaha waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da Maxamad Ibraahim Aamiin ayaa maalmo ka hor sheegay in Kinyangia uunan gacanta ugu jirin laamaha ammaanka.
Waxaa uu intaasi ku daray in markii ay saraakiisha tageen hooygiisa oo ku yaalla Kinoo oo ka tirsan ismaamulka Kiambu ay waayeen maadaama uu dhuuntay.
Kinyangia ayaa lala xiriiriyay qoraal iyo sawir la soo dhigay barta X kaasi oo shacabka lagu casuumayay ka qayb qaadashada dibadbaxyadii dhacay 25-kii bishii hore.