3 qof oo dheeraad ah oo loo xiray dibadbaxyadii 25-kii bishii hore

0
430

Saraakiisha ammaanka ee Ol Kalou ee ismaamulka Nyandarua ayaa xabsiga u taxaabay saddex qof.
Waxay dadkan ka mid yihiin shakhsiyaadka ku eedeysan in ay 25-kii bishii hore ee sanadkan ay gaysteen rabshado xilli qaybo ka mid ah waddanka ay ka dhaceen dibadbaxyo.
Waxaa mudaaharaadyada ka dhashay dhimashooyin, dhaawacyo, burburin hantiyeed iyo boob.
Eedeysanayaasha la xiray ayaa lagu kala magacaabaa John Ndungu Wanjiru, Samuel Githua Waithera iyo Kelvin Karuga Nduta waxayna hadda ku jiraan saldhigga booliiska ka hor inta aan maxkamadda la soo taagin.