Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku ammaanay ra’iisul wasaaraha Israa’iil inuu yahay “halyeey dagaal” qoraal dheer oo uu ku dhaleeceeyay dacwadda ka dhanka ah Netanyahu ee musuqmaasuq.
Faallooyinkii ugu dambeeyay ee Trump, oo lagu wadaagay qoraal uu soo dhigay TruthSocial, ayaa imaanaya maalmo kadib markii madaxweynaha Mareykanka uu ku baaqay in la joojiyo maxkamadeynta ka dhanka ah Netanyahu.
Qoraalkan cusub ee habeenimadii xalay ayuu Trump waxaa uu ku andacoodey “Ugaarsiga siyaasadeed” ee ka dhanka ah Netanyahu isagoo sheegay inay faragelin doonto wadahadalada Iiraan iyo Xamaas.
Trump ayaa shaaca ka qaaday in Netanyahu uu qabtay shaqo cajiib ah isagoo kaashanaayo Mareykanka si looga takhaluso khatarta halista ah ee Nukliyeerka ee Iiraan.
Waxaa uu intaa ku daray inuu hadda ku guda jiraa geedi socodka wada xaajoodka heshiiska Xamaas, kaas oo ay ku jiraan soo celinta maxaabiista Israa’iiliyiinta ah.