19 qof oo ku dhimatay dibadbaxyadii dalka ka dhacay

0
344

Guddiga qaran ee xuquuqul insaanka ee Kenya, KNHCR ayaa soo saartay warbixin horudhac ah oo muujineysa xad-gudubyo badan oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha intii lagu jiray mudaaharaadyadii dalka ka dhacay 25-kii bishan June.
KNHCR ayaa sheegtay in ugu yaraan 19 qof ay naftooda ku waayeen dibadbaxyada halka 531 ay ku dhaawacmeen, waxaana xoog lagu kaxaystay 15 qof sida ku xusan warbixinta KNHCR .
Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in la xiray 179 qof, iyo sidoo kale waxaa la soo tabiyay kiisas kufsi wadareed iyo mid isku day ah intuu lagu guda jiray dibadbaxa.
KNCHR waxay si adag u cambaaraysay xadgudubyada waxayna ku baaqday in lala xisaabtamo dhammaan dhinacyada mas’uulka ka ah.
Sido kale hay’adaas waxaa ay tacsi u dirtay eheladii dadkii ku geeriyooday dibadbaxa.