Dagaalkii Israa’iil iyo Iiraan oo muujiyay awoodda Shiinaha

0
931

Intii lagu guda jiray 12-kii maalmood ee uu socday dagaalkii u dhexeeyay Israa’iil iyo Iiraan ayaa sida ay sheegayaan dadka wax falanqeeya waxaa muuqatay awoodda uu Shiinuhu ku leeyahay gobolka Bariga Dhexe.
Xukuumadda Beijing ayaa sameysay falcelin degdeg ah oo ay ku muujinaysa doorkeeda dhexdhexaadinta iyo cod deggan oo ay garwadeen kaga noqon karta xiisadda gobolka ee sii xumaanaysa.
Maalintii xigtay weerarkii ay 13-kii bishan Israa’iil ku qaadday Iiraan ,Shiinuhu waxa uu la xiriiray labada dhinac isaga oo muujiyay rabitaankiisa ku aaddan in la gaaro xal dhexdhexaad ah.
Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha Wang Yi ayaa xilligaasi cambaareeyay falka Israa’iil oo uu ku sheegay inuu yahay jabinta sharci caalami ah.
Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping, isna waxa uu si degdeg ah ugu baaqay in la dejiyo xaaladda, halka golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay uu Shiinuhu kula biiray Ruushka iyo Pakistan iyaga oo dalbanaya “xabbad-joojin degdeg ah oo aan shuruud lahayn”.
Markii Iiraan ay ku hanjabtay inay xannibi doonto marin-biyoodka muhiimka ah ee Hormuz — kaas oo ay ka gudubto boqolkiiba 20 ee saliidda adduunka, dowladda Shiinaha ayaa si degdeg ah u falcelisay.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha waxay markaasi ku baaqday in “beesha caalamku kor u qaaddo dadaallada lagu dejinayo colaadaha si looga hortago in qalalaasaha gobolka uu saameyn weyn ugu yeesho koboca dhaqaale ee caalamka”.
Si kastaba ha ahaate, mowqifka Shiinaha intii uu socday dagaalkani wuxuu ahaa mid waafaqsan siyaasaddiisa muddada dheer ee aan faragelinta ku salaysnayn marka ay timaaddo dagaallada shisheeye.