Madaxweynaha dalka oo digniin adag u diray dibadbaxaayasha

0
330

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa muujiyay taageerada buuxda ee uu u hayo hay’adaha ammaanka ee dalka ka hor mudaharaadka Arbacada ee ay qorsheeyeen dhalinyarada Gen Z.
Waxaa uu ku dhawaaqay madaxweynaha in aan loo dulqaadan doonin isku day kasta oo lagu weerarayo saraakiisha ammaanka.
Isagoo ka hadlayay Aqalka Madaxtooyada Talaadada maanta ah, Madaxweyne Ruto ayaa ku booriyay Kenyaanka inaysan aflagaadeyn booliiska, isagoo ka digay in isku dayga waxyeelada Booliska ay halis gelin karto xasilloonida qaranka.
Ruto ayaa ku nuux-nuux in maamulkiisu uu weli ku adkeysanayo taageerada ay siinayaan booliska, isagoo ku ammaanay sida ay uga go’an tahay waajibaadkooda ay ku sugayaan amniga dalka.
Madaxweyne Ruto ayaa ka digay in dalka uu galo qas taasi oo dhaawici karta sumcadda qaranka.