DHAGEYSO:Amniga Wajeer oo la adkeeyay

0
633

Wararka naga soo gaaraya ismaamulka Wajeer ayaa sheegaya in si weyn loo adkeeyay amniga magaalada ka dib codsigii shalay ka soo yeeray qaar ka mid ah madaxda siyaasadeed ee dowlad deegaankaas.
Ciidamada ammaanka ayaa bar kontoroolo ka sameeyay meelo kala duwan oo ay ka mid tahay xafiiska barasaabka, bartamaha magaalada iyo garoonka diyaaradaha ee Wajeer.
Wakiil wareedka warbaahinta Star ee Wajeer Cabdiraxmaan Mucaawiye ayaa Khadka taleefoonka ugu warramay Mowlid Maxamad

Barasaab ku xigeenkii Wajeer Axmad Cali Mukhtaar oo hadda ah guddoomiyaha ismaamulkaasi ayaa dhankiisa sheegay inuusan jirin firaaq dhanka hoggaanka ah sidaas awgeedna aan loo baahneyn in shacabka la jaha-wareeriyo.