Hogaamiyaasha Nakuru oo Booliska ugu baaqay inaysan ku xadgudbin dibadbaxayaasha

0
146

Hogaamiyaasha Kaniisadaha iyo madaxda siyaasada ee ismaamulka Nakuru ayaa ku booriyay booliiska in ay is xakameeyaan marka ay la tacaalayaan dibadbaxaayasha berri.
Hogaamiyayaashan ayaa canbaareeyay falalka naxariis darrada ah ee ay ku kacayaan booliska iyagoo sheegay in aan loo baahnayn in awood xad dhaaf ah loo adeegsado dhalinyarada mudaaharaadaya kuwaas oo isku dayaya in ay si fudud u saxaan dowladda una dalbadaan xuquuqdooda.
Baadiriga kaniisadda Katooliga ee nakuru Lanet Lawrence Mbogo ayaa sheegay in ay nasiib darro tahay in Booliska ay mwaadiniinta Kenyaaka ah u gaystaan dil halkii ay ammaankooda sugi lahaayeen.
Wuxuu xusay in guud ahaan Kenyaanka ay soo mareen waqtiyo adag, loona baahan yahay in fursad loo siiyo inay muujiyaan cabashadooda.
Waxa uu intaas ku daray in ay nasiib darro tahay in madaxda la soo doortay ay shaqaaleysiiyaan kooxo burcad ah si ay u carqaladeeyaan dibadbaxayaasha dalka oo uu sharciga qabo.