Haweeney oo la sheegay in ay gabadheeda oo hal sano jir ah ku dishay magaalada Narok

0
206

Saraakiisha booliiska saldhigga Ololulunga ee deegaanka Koonfurta Narok ayaa baaraya dhacdo la sheegay in haweeney looga shakisan yahay in ay maskaxda ka xanuunsantahay ay dishay gabadheeda oo hal sano jir ah habeenimadii xalay.
Sida lagu sheegay warbixinta booliiska saraakiisha ayaa xogta dhacdadan ka heleen dadka tuulada oo mar horeba maydka geeyey qolka meydadka ee isbitaalka hoose ee Ololulunga.
Saraakiisha booliiska ee saldhigga Ololulunga oo ay hoggaaminayaan Taliyaha saldhigaas iyo kooxda DCI-da ee deegaanka Koonfurta Narok ayaa booqday isbitaalka waxayna ogaadeen in gabadha jirkeeda ay ka soo gaareen dhaawacyo muuqda oo dhabarka iyo madaxa ah.
Meydka qofka geeriyooday ayaa loo gudbiyay qolka meydadka ee isbitaalka degmada Longisa ee ismaamulka Bomet, iyadoo la sugayo in lagu sameeyo qaliinka baaritaanka.
Tuhmanaha ayaa la sheegay in ay sidoo kale si xun u weerartay ayeeydeed Alice Mutai oo lagu daweeyay isbitaalka hoose ee Ololulunga loona gudbiyay isbitaalka guud ee Narok si ay daryeel dheeraad ah u hesho.
Eedeeysanaha oo ay dadka tuulada ka diiwan geliyeen saldhigga booliiska ee Ololulunga ayaa haatan xabsiga ku jirtaa si ay u marto baaritaan dheeraad ah ka hor inta aan la soo taagin maxkamadda.