Mareykanka oo weeraray xaruumaha Nukliyeerka ee Iiraan

0
168

Madaxweyne Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in ciidamada Mareykanka ay duqeyeen seddex xaruun oo ka mid ah xaruumaha Nukliyeerka Iiraan weerarkaas oo sida uu bartiisa X ku sheegay ahaa mid lagu guuleeystay.
Go’aanka Trump uu xalay kugu biiray dagaalka Israa’iil ee ka dhanka ah Iiraan ayaa sida ay khubarada Bariga Dhexe ay sheegeen ah mid sii kordhini doono khilaafka.
Duqeymahan ayaa ku soo aaday iyadoo Israa’iil iyo Iiraan ay in ka badan toddobaad ka dhexeeyay dagaal dhanka cirka ah, oo dhimasho iyo dhaawac uu ka soo gaaray labada dhinac.
Israa’iil ayaa weerar ku qaaday Iran, iyadoo sheegtay inay doonayso inay meesha ka saarto fursad kasta oo Tehran ay ku sameysan karto hubka nukliyeerka. Iiraan oo ka jawaabtay gardarada Israa’iil ayaa sheegtay in barnaamijkeeda Nukliyeerka uu yahay mid nabadeed oo kaliya.
Dadaallo dublamaasiyadeed oo ay wadamada reer galbeedku ku doonayeen in ay ku joojiyaan colaada ayaa lagu guulaysan waayey.
Hay’adda Nukliyeerka Iiraan oo subaxnimadii saaka xaqiijisay weerarrada ayaa sheegtay inaysan jirin calaamado khatar ku ah dadka deggan meelaha u dhow seddexda xaruumood oo kala ah Fordow, Isfahan iyo Natanz.
La taliyaha afhayeenka barlamaanka Iiraan ayaa sheegay in dhammaan waxyalihii muhiimka u ahaa barnaamijka Nukliyeerka ee Iiraan goobahaas laga saaray ka hor duqeynta oo aysan wax dhibaato ah soo gaarin.
Trump ayaa warbaahinta maxalliga ah ee Fox News u sheegay in lix bambaano oo kuwa lagu jawiyo buuraha lagu tuuray goobta xaruunta nukliyeerka ee Fordow, halka 30 gantaal oo nooca Tomahawk ah lagu garaacay xaruumaha Isfahan iyo Natanz.
Diyaaradaha Maraykanka ee B-2 ayaa fuliyay weerarkaas sida uu sarkaal sare oo Mareykan ah u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters isagoo diiday in magaciisa loo isticmaalo warbaahinta.