Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan oo berri la kulmaya dibloomaasiyiin

0
236

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Iiraan Abbas Araghchi ayaa xaqiijiyay qorsho uu kula kulmaya wasiirrada dibadda ee Ingiriiska, Faransiiska iyo Jarmalka.
Waxaa sidoo kale kulanka ka qayb geli doono dibloomaasi sare oo matalaya Midowga Yurub.
Wakaaladda rasmiga ee wararka dowladda Iiraan ee IRNA ayaa qortay in shirkan uu berri ka qabsoomi doono magaalada Geneva ee waddanka Switzerland.
Wasiirka ayaa xusay in saddexda dal ay codsadeen in kulanka uu dhaco.