Wasiirka gaashaandhigga ee Israa’iil, Israel Katz ayaa sheegay in hadafyada ay ka leeyihiin dagaalka ka dhanka ah dalka Iiraan ay ka mid tahay in ay ka takhalusaan hoggaamiyaha ugu sarreeya ee waddankaasi Ayatollah Ali Khamenei.
Waxaa uu Khamenei ku eedeyay inuu weligiiba doonayay burburinta Israa’iil isagoo wakiillo adeegsanaya.
Katz ayaa intaasi ku daray in hadda ay fahmeen doorka mas’uulka sare ee Iiraan.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo uu Trumo qoraal ku sheegay in Ayatollah Ali Khamenei aan waqti xaadirkan la dili doonin.