Madaxweynaha dalka oo sheegay inuu diiradda saaraya u adeegidda shacabka

0
195

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in hadda uunan ku mashquulsanayn siyaasadda doorashada guud ee sanadka 2027-ka.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inuu diiradda saaraya ka dhabeynta ballanqaadyadii xilligii ololaha doorashada ee 2022-kii.
Hoggaamiyaha waddanka ayaa xusay inuu ku qanacsan yahay horumarka ilaa iyo hadda uu sameeyay maamulka Kenya Kwanza.
Waxaa uu intaasi ku daray in geeddisocodka horumarineed ee dalka uu yahay mid aan fududeyn oo u baahan qaadashada go’aammo adag.
Ruto ayaa tilmaamay inay ku faanayaan go’aammada ay qaateen oo uu xusay in hadda laga faa’iidaya.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in ay ku dadaalayaan xoojinta wada shaqeynta si loo dardargeliyo kobac dhaqaale.
Arrintan ayuu madaxweyne William Ruto ka sheegay kulanka saddexaad ee golaha qaran ee fulinta oo ka qabsoomaya xarunta hoggaanka ee KCB Leadership Centre ee xaafadda Karen.
Shirka oo labo maalmood soconaya ayaa lagu qiimeynaya guulaha ay dowladdu ka gaartay dhaqangelinta qorshaha BETA oo ku saleysan in kobcinta dhaqaalaha laga soo billaabo meesha ugu hooseysa iyadoo la taageeraya danyarta iyo ganacsatada yaryar .