600 oo ka mid ah dhallinyarada Homa Bay oo ka qalin jabiyey machadka qaran ee NITA

0
201

Waxaa shahaadooyin la guddoonsiiyay 600 oo ka mid ah dhallinyarada ismaamulka Homa Bay oo ka qalin jabiyey machadka qaran ee tababarrada dhanka warshadaha ee NITA.
Da’yartan ayaa bartay culuunta farsamada waxaana ku taageertay laanta tabarucaadda ee bangiga KCB gaar ahaan barnaamijka shaqaaleysiinta.
Waxaa arrintan iska kaashaday KCB Foundation iyo dowladda ismaamulka Homa Bay oo barnaamijkan si wadajir ah ugu maalgeliyay 24 milyan oo shilin.
Barasaabka Homa Bay Gladys Wanga ayaa hoosta ka xarriiqday in ujeedkoodu uu yahay sare u qaadidda shaqaaleysiinta dhallinyarada iyo in loo abuuro ganacsiyo iyadoo loo maraya tababarrada farsamada.
Ardayda qalin jabiyey ayaa wax ka baranayay ilaa 19 xarumood oo bixiya culuunta farsamada kuwaasi oo hoos tago NITA oo ku yaalla guud ahaan dowlad deegaankaasi.
Agaasimaha KCB Foundation Mendi Njonjo ayaa dhankiisa xusay in ay aad muhiim u tahay in la maalgeliyo da’yarta si looga faa’iidaysto kartidooda dhanka kobcinta dhaqaalaha.
Ilaa iyo hadda , barnaamijka 2Jiajiri waxaa uu tababarro u fidiyey 35,618 oo dhallinyaro ah halka uu gacan ka gaystay in guud ahaan dalka laga abuuro fursado shaqo oo ah in ka badan 150,000.