Madaxweynaha dalka oo laga dalbaday inuu qaato mas’uuliyadda dilalka ay gaystaan booliiska

0
172

Xildhibaanka deegaanka Bariga Embakasi ee ismaamulka Nairobi Paul Ongili oo loo yaqaano Babu Owino ayaa madaxweynaha dalka William Ruto ka dalbaday inuu qaato mas’uuliyadda dilalka ay ciidamada booliiska u gaystaan shacabka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in shakhsiyaadkii dibadbaxa sameeyay Talaadadii si ulakac ah loo bartilmaameedsaday.
Arrintan ayuu ka sheegay isbitaalka qaran ee Kenyatta ee magaalada Nairobi oo uu ku booqday dadkii ku dhaawacmay mudaaharaadkii looga soo horjeeday dilkii Albert Ojwang’.
Xildhibaanka Bariga Embakasi ayaa cambaareeyay waxaa uu ku tilmaamay arxaan darrada ciidamada ammaanka wuxuuna hoggaanka ugu sarreeya dalka ku boorriyay inuusan arrintan ka aamusin.
Waxaa uu intaasi ku daray in isbitaalka qaran ee Kenyatta la geeyay 16 dhaawacyo ah.
Babu Owino ayaa xusay in aynan marnaba ka daali doonin in ay cadaalad dalbadaan oo ay garab istaag u muujiyaan dadweynaha ilaa inta lagala xisaabtamaya shakhsiyaadkii ka dambeeyay dilalkii dhacay.