Guddiga xisaabaadka ee baarlamaanka dalka ayaa su’aallo waydiiyey xoghayaha waaxda horumarinta iskaashatooyinka Patrick Kilemi.
Tani ayaa timid ka dib markii ay soo baxday in aan la caddeyn sidii loo adeegsaday 8.2 bilyan oo shilin oo ka mid ahayd 22.96 bilyan oo sanad maaliyadeedkii 2022/2023-kii loo qoondeeyay sanduuqa danyarta ee Huster Fund.
Warbixinta hanti dhowraha qaranka ayaa lagu sheegay in keliya la isticmaalay 14 bilyan oo shilin.
Hasa ahaate, Kilemi ayaa guddiga xisaabaadka ee baarlamaanka u sheegay in keliya ay wasaaradda maaliyadda ka codsadeen 12 bilyan oo shilin taasi oo lagu wareejiyey.
Xoghayaha ayaa intaasi ku daray in aynan gudbin codsi rasmi oo qoraal ah oo ay ku doonayaan in lagu wareejiyo 8-da bilyan ee la hadal haya.
Guddoomiyaha guddiga PAC ee golaha qaran ee xeer dejint ahna xildhibaanka deegaanka Butere , Tindi Mwale ayaa dhaliil u jeediyay xoghayaha waaxda iskaashatooyinka.
Waxaa uu u sheegay in ay mas’uuliyad ka saaran tahay xaqiijinta isticmaalka dhammaan lacagaha loo qoondeeyay waaxda.
Sanduuqan oo ka mid ah barnaamijyada awoodsiinta ee maamulka madaxweyne William Ruto ayaa lagu taageera dhallinyarada iyo ganacsatada yaryar oo ka helo amaah lacageed.
Home Wararka Kenya Xoghayaha waaxda iskaashatooyinka oo su’aallo laga waydiiyey lacagaha Hustler Fund