Israa’iil oo sheegtay inay bartilmaameedsatay 1,100 xaruumo ee gudaha Iiraan

0
225

Afhayeenka ciidamada Israa’iil Effie Defrin ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay in militariga Israa’iil ay duqeymo ka geesteen 1,100 xaruun oo ku taalo gudaha Iiraan sida uu soo wariyay wargeyska The Times of Israel.
Waxa uu sheegay in duqeymahaasi ay muujinayaan in Israa’iil ay “si nidaamsan uga shaqeyneyso sidii ay uga takhalusi lahayd halista nukliyeerka ee Iiraan”.
Dhanka kale hoggaamiyaha ugu sareeyo Iiraan Ayatollah Cali Khamenei ayaa la filayaa inuu jeediyo khudbad si toos ah looga sii dayn doono dhammaan telefishinada maxalliga ee Iiraan.
Khamenei ayaa markii u dhambeysay oo uu bulshada ka soo dhex muqdo eheed maalinkii Jimcaha oo ay Israa’iil weerartay Iiraan.