Maxkamadda oo maanta go’aan ka gaari doonto in Talaam xabsiga lagu sii hayo 21 cisho

0
203

Maxkamad ku taal Nairobi ayaa la filayaa in maanta ay go’aan ka gaarto in Taliyaha Saldhigga Dhexe ee Central Samson Taalam lagu sii hayn doono xabsiga 21 maalmood ka dib markii lagu eedeeyay in uu ku lug lahaa dilka macallin Albert Ojwang.
Taalam ayaa lagu wadaa in uu horyimaado Garsooraha Maxkamadda Milimani Benmark Ekhubi, kaas oo go’aanka gaari doono.
Isniintii la soo daafay, Agaasimaha Xeer Ilaalinta dalka (DPP) ayaa maxkamadda u sheegay in Taalam uu farageliyay cadeymo muhiim ah oo la xiriira baaritaanka socda ee ku saabsan dhimashada eedaysane ku jiray xabsiga booliiska.
Codsi la horgeeyay maxkamadda, ayaa lagu sheegay in Taalam, oo ah ilaaliyaha diiwaanka saldhigga iyo nidaamyada CCTV-ga, uu shaqaaleysiiyay farsamayaqaan si uu u fara geliyo muuqaallada Saldhigga Dhexe isagoo isku dayaya inuu carqaladeeyo caddaaladda.
DPP oo sii wato hadalkiisa ayaa sheegay in teleefankii gacanta ee Taalam mar hore lagala wareegay oo uu ku socdo baaris taas oo qayb ka ah baaritaanka balaaran ee lagu hayo kiiskan.
Xeer ilaalinta ayaa dooneysa in Taalam lagu sii hayo xabsiga muddo 21 cisho ah si ay ugu ogolaato Hay’adda Madaxbanaan ee Kormeerka ku sameyso howlaha Booliiska (IPOA) in ay soo dhamaystirto baaritaanada iyada oo aan la faragelin.
Sida ku cad dukumentiyada maxkamadda, IPOA ayaa codsatay in Taalam lagu hayo Saldhiga Booliiska ee Lang’ata ama saldhig kasta oo dalka gudihiisa ah.