Shan dalxiisayaal ah oo ku dhintay shil baabuur oo ka dhacay Nyandarua

0
392

Shan dalxiisayaal ah oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Hindiya ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen tiro kalena ay ku dhaawacmeen shil baabuur oo aad u xoogan oo ka dhacay tuulada Gichaka oo ku taal wadada isku xirta Nakuru iyo Ol-Joro Ork ee ismaamulka Nyandarua.
Waxaa lagu soo waramayaa in dalxiisayaasha ay ka soo safrayeen kaynta Masaai Mara kuna sii jeedeen magaalada Nyahururu.
Stella Cherono, oo ah taliyaha booliiska dowlad deegaanka Nyandarua ayaa xaqiijisay in shanta qof ay isla goobta ku dhinteen halka rakaab kale la badbaadiyay oo loola cararay isbitaalka guud ee Nyahururu.