DHEGEYSO:Nin Kenyan ah oo dacwad ka gudbiyay mid ka mid ah hay’adaha shaqooyinka qurbaha u tahriibiyo Kenyaanka

0
429

Maxkamadda sare ayaa si ku meel gaar ah u joojisay hay’ad shaqo qorista oo dad Kenyan ah u qaadi jirtay shaqooyinka dibadda ah.
Maxkamada ayaa amaradan soo saartay kadib markii mid ka mid ah dhibanayaasha tahriibinta oo lagu magacaabo Duncan Okindo uu gudbiyay dacwad ka dhan ah Hay’adda Gratify Solution International iyo saraakiisheeda kadib markii ay si been abuur ah u geeyeen Myanmar.
Laba bilood ka dib markii ay dib ugu soo laabteen gurigooda iyaga oo aan wax shaqa ah soo hellin dhibanayaasha ka ganacsiga dadka ee laga soo celiyay Myanmar ayaa waxaa ay bilaabeen safarkooda raadinta caddaaladda.
Waraaqaha maxkamada, Duncan ayaa waxaa uu doonayaa in lala xisaabtamo Gratify Solutions, Virginia Wacheke Muriithi, Boniface Owino, Ann Njeri Kihara iyo saraakiil kale oo ka tirsan hay’adda oo lagu eedeeyay inay abaabuleen una fududeeyeen in loo tahriibiyo Myanmar. Waxa uu ku andacoonayaa in jawaab bixiyeyaasha ay u tahriibiyeen Myanmar iyaga oo ballan qaaday in uu u shaqaynayo ka heli doono magaalada Bangkok ee Thailand.
Duncan ayaa waxa kale oo uu ku andacoonayaa in Gratify Solutions ay ku howlan tahay falalka ka ganacsiga dadka, addoonsiga casriga ah iyo dhaqamada la midka ah addoonsiga, taas oo xadgudub ku ah sharafta aadanaha.

Maxkamadda Sare ayaa waxaa ay siisay Duncan amarro si ku-meel-gaar ah u joojinaya Gratify Solutions iyo saraakiisheeda qorista, rarista, xeraynta, ka faa’iidaysiga, fududaynta, ama ka qaybgalka dhoofinta ama u daabulidda shaqaalaha Kenyaan ah ee dalalka shisheeye.
Kiiska ayaa la dhageysan doonaa 12-ka bisha Juun.