Dowladda Maraykanka ayaa ka soo horjeedsatay ansixinta qaraar uu soo saaray golaha ammaanka ee qaramada midoobay ee (UNSC).
Waxaa uu qaraarkan dhigayay in xabbad joojin waarta oo degdeg ah oo aan wax shuruud ah lagu xirin ay ka dhaqan gasho Qaza.
Hasa ahaate, Maraykanka ayaa awoodda diidmada qayaxan ee loo yaqaano Veto Power u adeegsaday inuu qorshahaasi hor istaago.
14-ka xubnood ee kale ayaa codkooda ku taageeray qaraarka xabbad joojinta ee Qaza.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo duqeymaha ciidamada militariga ee Israa’iil ay ka wadaan Qaza , 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay lagu dilay ku dhawaad 100 qof oo Falastiiniyiin ah halka la dhaawacay in ka badan 440 kale.