4 carruur ah oo ku dhimatay qarax ka dhacay dalka Pakistan

0
281

Ugu yaraan afar carruur ah ayaa ku dhintay qarax lala beegsaday bas iskuul oo ku yaalla degmada Khuzdar ee gobolka Balochistan ee koonfur-galbeed waddanka Pakistan, sida ay masuuliyiintu sheegeen.
Yaasir Iqbaal Dashti oo ka mid ah saraakiisha dowladda ee ku sugan magaalada Khuzdar ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan 4 caruur ah ay dhinteen 38 kalana ay ku dhaawacmeen qaraxaas.
Wasiirka arrimaha gudaha Pakistan Mohsin Naqvi ayaa cambaareeyay weerarka oo ka dhacay agagaarka deegaanka Khuzdar ee Zero Point wuxuuna muujiyay sida uu uga xun yahay in la dilo carruur aan waxba galabsan.
Maamulka ayaa sheegay in dhimashadu ay sii kordhi karto maadaama uu aad u xoogganaa qaraxa.