5 qof oo ku dhimatay dab ka kacay xaafada Mathare ee Nairobi

0
234

Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay dab ka kacay guriyo ku yaala xaafada Mathare ee ismaamulka Nairobi.
Dabkan ayaa kacay abaare 2 aroornimo.
Booliska iyo dadka deegaanka ayaa sheegay in afar qof oo kale ay la tacaalayaan dhaawacyo halis ah oo ka soo gaaray dabkaas
Tobaneeyo qof oo kale ayaa guri la’aan ku noqday dhacdadan .
Gawaarida dab damiska ,ciidamada Militiriga iyo dadka deegaanka ayaa ka qeyb qaatay xakameynta dabkaas.
Taliyaha booliiska Nairobi George Sedah ayaa sheegay in ugu yaraan 8 guri uu dabku baa’bi’iyay.
Waxa uu sheegay in dabka uu ka kacay mid ka mid ah dhismayaasha birta ah ka hor inta uusan si degdeg ah ugu faafin kuwa kale.