7 qof oo lagu dilay dalka Maraykanka

0
258

Ugu yaraan 7 qof ayaa la dilay halka 3 kale la dhaawacay ka dib markii labo weerar laga soo tabiyay waqooyiga gobolka California ee dalka Maraykanka.
Waxaa mid ka mid ah labada weerar loo xiray nin da’diisa lagu sheegay 67 sano jir.
Taliska ciidamada gobolka California ayaa sheegay in xafiiskooda uu ka jawaabay dhacdooyinkan.
Dhacdooyinkan ayaa imaanaya wax ka yar 48 saacadood markii nin hubeysan uu 11 qof ku dilay goob qoob ka ciyaar ah oo ku taalla magaalada Los Angeles ee gobolka California.