Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegtay in gacanta lagu dhigay 6 eedeysanayaal ah.
Shakhsiyaadkan oo afar ka mid ah ay yihiin saraakiisha booliiska ayaa loo haystaa in ay galinkii dambe ee Isniintii dabagal ku sameeyeen xisaabiyaha dugsiga caalamiga ee Rophine xilli uu ka soo baxay bangi ku yaalla xaafadda Utawala ee ismaamulka Nairobi.
Waxay intaasi ka dib jebiyeen baabuurkiisi iyagoo ka dhacay lacag gaaraysa 2.2 milyan oo shilin.
Saraakiisha booliiska ee loo xiray falka dhaca ah ayaa ka howlgalo saldhigyada Kasarani iyo Ruai.
Afarta askari iyo labada eedeysanayaal ee kale oo shacab ah ayaa laga qabtay goobta baabuurta lagu baakimo ee saldhigga booliiska ee Kasarani.
Waxaa howlgalkan fuliyay dambi baarayaasha xarunta dhexe ee Nairobi oo kaashanaya kuwa xaafadda Kayole.
DCI-da ayaa laga soo xigtay in dib loo helay 473,000 oo shilin oo la rumeysan yahay in ay tahay qayb ka mid ah lacagtii ay qofka ka dheceen.
4-tii galabnimo ee Isniintii ayay ahayd markii xisaabiyaha la dhacay uu saldhigga booliiska ee Mihang’o ka qoray warbixin ah in ugu yaraan 2.2 milyan oo shilin uu ka soo bixiyay bangiga isagoo doonaya inuu mushaarkooda siiyo shaqaalaha hoose ee dugsiga Rophine.
Waxaa uu xusay in uunan ka warqabin inuu ku daba jiray baabuur ay taargadiisu tahay KCR 959D .
Waxaa uu intaasi ku daray inuu baabuurka dhigtay afaafka dugsiga isagoo soo bixiyay qayb ka mid ah lacagtii uu siday ka dibna gudaha u galay xaruntaasi waxbarasho.
In kastoo uu baabuurka xiray , daqiiqado ka dib markii uu soo laabtay ayaa waxaa uu arkay gaariga oo la jebiyay lacagtiina laga dhacay.
Tuhmanayaasha hadda ku jira saldhigga booliiska ee falka dhaca ah loo haysto ayaa kala ah Antony Ndegwa Anwal, Daniel Lekakeny Sunkuli, Simon Macharia Maina ,Antony Mwenda ,Lukas Magwaga iyo Young Wakise.
Waxaa hadda socdo baaritaano dheeraad oo eedeysanayaasha ka dhan ah ka hor inta aan maxkamadda la soo taagin.