Weerar ay Israa’iil ka gaysatay magaalada Deir el-Balah ee Bartamaha Qaza ayaa lagu dilay 5 sarkaal oo ka mid ahaa shaqaalaha hay’adaha samafalka.
Shakhsiyaadkan ayaa dhalasho ahaan ka soo jeeday waddamada Australian, Poland , UK iyo Falastiin.
Xafiiska warfaafinta ee Qaza ayaa laga soo xigtay in howlwadeennada la dilay ka dib markii ay qaybiyeen cunno gargaar ah.
Hay’adda samafalka ee World Central Kitchen oo uu fadhigeedu yahay Maraykanka ayaa sheegtay in shaqaale dhowr ah lagu dilay duqeynta Israa’iil waxayna dalbatay in si degdeg ah loo joojiyo dilalka aan ka fiirsashada lahayn.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore , duqeymaha Israa’iil ee Qaza lagu dilay ugu yaraan 32,845 qof oo Falastiiniyiin ah halka la dhaawacay 75,392 kale.