Guddiga badbaadinta wariyaasha ee CPJ ayaa sheegay in tan iyo markii ay billowdeen duqeymaha Israa’iil ee gudaha Qaza 7-dii bishii hore in tirada wariyaasha ee la dilay ay tahay ugu yaraan 42.
Tani ayaa ah tiradii ugu badnayd ee dilalka suxufiyiinta muddo kooban gudaheeda laga soo billaabo sanadkii 1992.
Wariyaashan ayaa isugu jiro 37 u dhashay Falastiin, 4 u dhashay Israa’iil iyo mid ka soo jeeday Lubnaan.
Waxaa la dhaawacay 9 wariyaal oo dheeraad ah halka saddex la la’yahay.
Sidoo kale 13 wariyaal ah ayaa la xiray sida ku cad bayaanka CPJ.
Guddigan ayaa intaasi ku daray in warfidiyeennada tabinaya wararka la xiriira duullaanka Israa’iil ay wajahayaan xadgudubyo badan, hanjabaado,faafreeb, weerarrada intarneetka iyo dilalka xubnaha qoysaskooda.
Isku duwaha barnaamijyada guddiga badbaadinta wariyaasha ee CPJ ee Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika Sheriif Mansour ayaa laga soo xigtay inay jiraan wariyaal ka cararay Qaza si ay uga badbaadaan bartilmaameedsiga lagu hayo.




