3 qof oo loo xiray xashiish lagu qabtay Samburu

0
295

Ciidamada booliiska ee ismaamulka Samburu ayaa gacanta ku dhigay saddex eedeysanayaal oo lala xiriirinaya 196 kiilogaraam oo daroogada nooca xashiiishka ah oo lagu qabtay dowlad deegaankaasi.
Tuhmanayaasha ayaa laga qabtay xarunta Archers Post xilli ay sideen maandooriyaha oo ay ku dhex qariyeen kiishash digir ah.
Booliiska ayaa magacyada saddexda ruux ee la xiray ku kala sheegay Isaaq Maxamad Bakacha oo ah wadaha gaariga xamuulka iyo labo qof oo wehelinayay Haaruun Maxamad Galgalo iyo Cali Cabdiqaadir Maxamad .
Laamaha ammaanka ee Samburu ayaa laga soo xigtay in tuhmanayaasha gacanta lagu dhigay ka dib howlgal ay waaxyo kala duwan iska kaashadeen oo laga fuliyay bar kontorool.
Qiimaha lacageed ee xashiishka la helay ayaa ah 5.9 milyan oo shilin.
Baabuurkii lagu waday daroogada ayaa sidoo kale la geeyay saldhigga booliiska iyadoo ay ciidamadu wadaan baaritaano dheeraad ah.