277 qof oo ku dhintay daadadka saameeyay Kenya

0
141

Wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ilaa iyo hadda 277 ruux ay ku dhinteen roobabka culus ee wadanka ka da’ay iyo fatahaadaha ka dhashay.
Wasaaraddu waxay hoosta ka xarriiqday in ay saameyn soo gaartay in ka badan 290,000 guud ahaan wadanka tan iyo bishii Saddexaad ee sanadkan xilligaasi oo ay roobabka billowdeen.
Ismaamullada ay saameynta ugu badan ee daadadka ay soo gaartay 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay ayay wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran ku sheegtay Tana River, Garissa, Lamu iyo Narok .
Waxaa weli waxyeellada fatahaadaha laga dareemaya dowlad deegaannada kala ah Busia, Homabay, Kisumu, Machakos, Makueni, Kilifi, Nakuru, Turkana, Isiolo, Migori, Kajiado, Nairobi, Nyandarua, Kiambu iyo Murang’a iyadoo ay socdaan howlaha gurmadka.
Dhanka kale waxaa la filayaa in daadad ay ku dhuftaan meelaha joog ahaan hooseeya ee dhulka , meelaha u dhow webiyada iyo biyo qabadka iyo magaalooyinka waawayn halka dhul go’ uu saameyn karo meelaha taagga ah.
Wasaaradda ayaa laga soo xigtay in laga cabsi qabo in ay soo fatahaan Harooyinka Lake Victoria iyo Lake Baringo tani oo saameyn karta ismaamullada ku teedhsan.
Sidoo kale waxaa weli sii kordhaysa khatarta ay wajahayaan ismaamullada Garissa, Tana River iyo Lamu ee la xiriirta in ay buuxdhaafeen toddobbada ceel ee waawayn ee loo yaqaano Seven Forks Dams.