Saraakiila ka qaybgalaysa dagaalka gobolka Mudug oo Gaalkayo gaaray

0
376

Garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa waxaa maanta gaaray saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliya,oo ka anababaxay magaalada caasimada ah ee Muqdisho.
Saraakiishaan ayaa waxaa la sheegay inay halkaasi u tageen ka qeyb qaadashada wajiga labaad ee xoreynta degaanada maamulka Galmudug ay kaga sugan yihiin dagaalameyaasha Al-shabaab.
Dagaaladii ciidamada Galmudug,kuwa dowlada Federaalka iyo ciidamada degaanka ay la galeen Al-Shabaab ayaa guulo laga gaaray taasoo Keentay in la bilaabo wajiga labaad ee gulufka shabaabka ka dhan ah.
Taliyaha ciidamada daraawiishta maamulka Galmudug, kan gobolka Mudug, kan degmada Gaalkacyo,Taliyaha saldhigga degmada Gaalkacyo, odoyaal iyo dhalinyarada magaalada ayaa ka qeyb galay soo dhaweyn saraakiishaan loogu sameeyey garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo.
Soo dhaweyn ka dib waxaa warbaahinta la hadlay gudoomiye ku xigeenka degmada Gaalkacyo Maxamed Cabdi Cilmi iyo gudoomiyaha gobolka Mudug C/raxmaan Cali Diiriye Isxal waxayna sheegeen in saraakiishaan ay qeyb ka noqon doonan la dagaalanka Al-Shabaab ee ka socda Koonfurta Gobolka Mudug.
Dhanka kale ciidamada daraawiishta maamul Goboleedka Galmudug iyo kuwa degaanka ayaa maanta howlgal kula wareegay saldhig xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ku lahaayeen aagga degaanka Caad ee Koonfurta Gobolka Mudug.
Howlgalka ayaa waxaa hoggaaminayay Taliyaha Ciidanka Ururka Horseed Gaashaanle Maxamed Cali Salaad iyo Saraakiil kale dagaal kooban ayaana halkaas ku dhex maray ciidamada daraawiishta Galmudug iyo Al-shabaab.
Saraakiisha hogaaminaysa howlgalka ayaa sheegay in dagaalka ay khasaaro xoogan ku gaarsiiyeen Al-Shabaab, isla markaana ay burburiyeen goobihii ay ka soo abaabili jireen weerarada.
Sidoo kale waxaay Tilmaameen in howlgalkaan uu bilow u yahay wajiga labaad ee xoreynta degaanada Galmudug ay kaga sugan yihiin Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here